Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Talisyada CXD iyo AMISOM ee Koofur Galbeed kala shiray Amniga iyo Howlgallada ka dhanka ah argagixisada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Talisyada CXD iyo AMISOM ee Koofur Galbeed kala shiray Amniga iyo Howlgallada ka dhanka ah argagixisada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay taliyeyaasha iyo saraakiisha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyay madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa taliyeyaasha kala hadlay guud ahaan amniga Koofur Galbeed, Sugidda amniga doorashooyinka dalku galay iyo dardar galinta dagaalka iyo howlgallada ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad xil weyn iska saartaan sugidda amniga guud ahaan, gaar ahaan xilligan ay doorashooyinku socdaan. Waxaa kaloo la doonayaa in aysan hakad galin howlgallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee bulshadeenna dhibaatada ku haya oo naftooda iyo hantidoodaba burburinaya” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri Saraakiisha Ciidanka Xooogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee uu la kulmay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta soo gabagabeeyay safar 3 cisho qaatay oo isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Koofur Galbeed waxa uu xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya.

Previous Post

Itoobiya oo beesha caalamka uga digtay faro-gelin lagu sameeyo

Next Post

Gaalkacyo: Ololaha ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Gaalkacyo: Ololaha ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Gaalkacyo: Ololaha ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In