Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay ku-xiigeenka Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.
Mas’uulyiinta ayaa kawada hadlay arrimaha abaaraha dalka, gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay iyo isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.