Friday, June 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble : Xukuumaddu waxa ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka dalka+Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble : Xukuumaddu waxa ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay dadaalkii uu ku bixiyay sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaashaha ku saabsan arrimaha doorashooyinka ee ay qabeen qaar kamid ah Dowlad Goboleedyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

“Waxaan marar badan ku celceliyay in ay albaabadaydu u furan yihiin cid walba oo tabasho qabta, aanna diyaar u ahay had iyo jeer inaan tixgeliyo aragtiyada kala duwan ee la xiriira fulinta heshiiskii doorashooyinka iyo habraacyadii lagu heshiiyay.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay maanta sugayaan in la xoojiyo dowlad dhiskooda iyo horumarka ay xaqiijyeen sanaddihii lasoo dhaafay, si taas looga guul gaaro waa in dhammaanteen aan u istaagnaa sidii dhaqanka dimuqraadiyadeed loo sii adkeyn lahaa.

Madaxweynaha Dowlad-gobleedka Galmudug Mudne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa yiri” Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in wadajir looga shaqeeyo sidii looga fogaan lahaa waxkasta oo caqabad ku ah fulinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020, kaas oo aasaas u ah qabsoomida doorashooyinka iyo si ambaqaadidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Previous Post

Burbur looga shakisanyahay diyaarad lagu la’yahay Indonesia oo la arkay

Next Post

Shirka agaasimayaasha guud ee dowladda oo berri ka furmayo Magaalada Muqdisho+Sawirro

Next Post
Shirka agaasimayaasha guud ee dowladda oo berri ka furmayo Magaalada Muqdisho+Sawirro

Shirka agaasimayaasha guud ee dowladda oo berri ka furmayo Magaalada Muqdisho+Sawirro

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In