Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha ee loo iibgeynayo Dalka Sacuudiga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha ee loo iibgeynayo Dalka Sacuudiga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Daah-furay Dhoofinta Hilibka Xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga bariga Afrika, ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee dalalka ku mideysan Dallada Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq lamid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dallada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal galisay in Dowladda Sacuudigu ay u oggolaato suuqyada dalkeeda in loo dhoofiyo hilibka xoolaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada Hilibka Xoolaha dalkeenna, taas oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee horumarinta dhaqaalaha dalka.

Previous Post

Hey’adaha gargaarka oo walaac ka muujiyay Xaaladaha dadkii ka barakacay dagaalada ka socda Suudaan

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir oo shir muhiim ah uga qeybgalay Brussels

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir oo shir muhiim ah uga qeybgalay Brussels

Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir oo shir muhiim ah uga qeybgalay Brussels

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In