Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

Kulanka ayaa si faah-faahsan looga wada hadlay danaha muhiimka ah ee labada dal ee walaaha ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay waxgalnimadeeda iyo hiilkeeda aan isbaddelin ee ay la barbar taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in si buuxda loo soo celiyay nabaddii iyo amnigii qeybo badan oo ka mid ah dalka, haddana ay Soomaaliya diyaar u tahay maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabayaasha kala duwan ee dalku leeyahay.

Danjiraha Masar Mudane Maxamed Saalax, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambayntii ka warbixiyay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan qeybo kamid ah dalka, iyada oo ay baaqdeen roobabkii deyrta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollo badan oo kamid ah dalka.

 

 

Previous Post

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Next Post

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Next Post
Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In