Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sanad guurada 65aad ugu hambalyeeyay CXDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sanad guurada 65aad ugu hambalyeeyay CXDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna guulo waaweyn ka soo hooyeen cadawga dalkeena u diidan horumarka ee Khawaarijta.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda weyn ee qarankeenna u leeyahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda ammaanka iyo xuduudaha dalka, kana difaaca shacabka Soomaaliyeed khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda, diintooda iyo dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay maalin iyo habeen u taagan yihiin.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Ciidanka XDS

Next Post

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo gaaray Jabuuti

Next Post
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo gaaray Jabuuti

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo gaaray Jabuuti

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In