Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026

Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.

Previous Post

Dabka xooggan oo ka kacay Suuqa Wajaale oo lagu guuleystay damintiisa

Next Post

Prime Minister Hamza leaves for the US to attend UN General Assembly

Next Post
Prime Minister Hamza leaves for the US to attend UN General Assembly

Prime Minister Hamza leaves for the US to attend UN General Assembly

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

January 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

January 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh heshiis iskaashi kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga,...

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

Danab oo burburiyay Keydka Miinooyin oo Khawaariijtu ku lahaayeen Shabeellada Dhexe.

January 29, 2026
0

Ururka 161-aad ee Kumaandooska Danab, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo keyd miinooyin ah oo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In