Sunday, October 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) wuxuu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.

Related posts

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, isla markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.

“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.

Soomaaliya ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Ra’iisul Wasaaruhu Daahfuray oo beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.





Previous Post

Duqa Muqdisho oo kulan la qaaato Danjiraha Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

Hay’addaha Qaxootiga Qaranka iyo UNHCR oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc taageero dhaqaale

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa si wadajir ah u daah-furay mashruuc taageero...

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hay’adaha Cadaaladda

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RWANDA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska Soomaaliya qeybta la shaqeysa Booliska Caalamiga ah ayaa dalka Rwanda...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxaana shir guddoomiyey...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa gaaray...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In