Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey horumarinta dhaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey horumarinta dhaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta guddoomiyey kulan ku saabsanaa Tiirka Dhaqaalaha, kaasi oo warbixinno muhiim ah uu kaga dhageystay Wasiirrada iyo Guddiyada u xilsaaran barnaamijyada Xukuumadda ee la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Maaliyadda warbixin ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee dhawaan la ansixiyey iyo kobaca dakhliga gudaha, iyadoo Baanka Dhexe uu soo jeediyay daabacaaadda Lacagta Shillin Soomaaliga, taasi oo ahmiyad gaar ah u leh dhaqaalaha dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa isna kulanka ku soo bandhigay hindiseyaasha sharci ee la xiriira dhaqaalaha dalka oo gaaraya sagaal sharci, kuwaasi oo qaarkood Golaha Wasiirradu ansixiyay, loona gudbiyay Baarlamaanka, qaarna hadda gacanta lagu hayo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la soo gabagabeeyo shuruucdaasi ugu dambeyn bisha Maarso 2023.

Sidoo kale, Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey barnaamijyada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, iyadoo uu tilmaamay in guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug ay fududeeyeen isu socodka gaadiidka iyo bulshada, ayna muhiim tahay in la dayac tiro jidadka isku xira deegaannada la xorreeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamse Cabdi Barrre ayaa faray Guddiyada heer Wasiir ee barnaamijyada Tiirka Dhaqaalaha ee  Xukuumadda Dan-Qaran in ay dardar geliyaan fulinta qorsheyaasha laga sugayo sanadkan, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda horumarka, xasilloonida iyo amniga.

Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan oo kulan la qaatay Madaxa howlgalka Nabad Ilaalinta  Midowga Afrika ee ATMIS

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo caawa Isbitaalka Erdoğan ku booqday dhaawacyada qaraxii Maxaas

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo caawa Isbitaalka Erdoğan ku booqday dhaawacyada qaraxii Maxaas

Madaxweynaha Hirshabeelle oo caawa Isbitaalka Erdoğan ku booqday dhaawacyada qaraxii Maxaas

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In