Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay ay siiyaan Soomaaliya.
Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, “ Waxaan kugu hambalyeeynayaa Ra’iisul Wasaare, ansixinta xukuumadda iyo Barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, Waxaadna xaqiijiseen sida ay idin kaga go’an tahay , Silamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay Waxay diyaar u yihiin taageeradooda Soomaaliya”. Ayuu yiri James Swan.
Ra’iisul Wasaaraha “ Waxaan uga mahadcelinayaa hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada ay nala garab taagan yihiin, Xukuumaddaydane Waxay diyaar u tahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.