Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Booqday Xarumaha Wasaaradaha Dawlad Gobaleedka Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Booqday Xarumaha Wasaaradaha Dawlad Gobaleedka Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe ku tegay socdaal shaqo oo maalma ku joogi doono deegaannada ay ka koobantahay Puntland ayaa maanta booqday xarumaha wasaaradaha dawlad gobaleedka Puntland.

 

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

March 7, 2026

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya geeyay qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha si uu u arko horumarka ka jira iyo sida Puntland ay u hir-gelisay mashruuca Isku-tasho, waxa uuna Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay Mashruuca Isku-tasho ee lagu dhisay dawladnimada Puntiland, xarumaha wasaaradaha, jidadka iyo goobaha bulshada loogu adeeego isaga oo sheegay in Marshuucaasi uu ka yimid maskax ay leeyhiin reer Puntland laguna fuliyay xoola ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qiray in wax-qabad wanaagsan ay muujiyeen hoggaanka iyo bulshada reer Puntiland uuna ka muuqdo rabitaan dawladnimo, biseyl, dul-qaad iyo dadnimo ay tahay in ay uga daydaan bulshada Soomaaliyeed inteeda kale.

Dhanka kale, Isimada gobalka Nugaal ayaa munaasabad soo dhaweyn ah Garowe ugu sameeyay Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre iyo wafdiga la socda waxa ayna ku ammaaneen Ra’iisul Wasaaaraha dardargelinta shaqada ballaaran ee Qaranka iyaga oo ka codsaday in uusan ku niyad jebin caqabadaha kahor imaanaya inta uu ku guda jiro dadaalladda horuminta qaranimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday Isimada in laba jibbaaraan teegeerada dawladda, isaga oo ku ammaanay ka qayb qaadashada dadaallada Nabadda, waxa uuna ugu dambeyn ka ballan qaaday in uu shaqada Qaranka Soomaaliyeed u fulin doono si hufan, caqabad kasta oo timaadana uu u dul-qaadanayo si looga mira dhaliyo dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya ay dib ula fal gasho aduunyada inteeda kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay gaaray Garowe waxa uu deegaannada Puntland ku sugnaan doonaa maalmaha soo socda, isaga oo 1-da bisha August ka qeyb gelayaa munaasabadda 20 sano guurada aasaaska maamulka Puntland.

 

Previous Post

R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya "SAWIRRO"

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faa’iideysan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo deeq gargaar ah gaariisay Diinsoor

March 7, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta booqasho shaqo ku...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In