Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Booqday Xarumaha Wasaaradaha Dawlad Gobaleedka Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Booqday Xarumaha Wasaaradaha Dawlad Gobaleedka Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe ku tegay socdaal shaqo oo maalma ku joogi doono deegaannada ay ka koobantahay Puntland ayaa maanta booqday xarumaha wasaaradaha dawlad gobaleedka Puntland.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya geeyay qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha si uu u arko horumarka ka jira iyo sida Puntland ay u hir-gelisay mashruuca Isku-tasho, waxa uuna Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay Mashruuca Isku-tasho ee lagu dhisay dawladnimada Puntiland, xarumaha wasaaradaha, jidadka iyo goobaha bulshada loogu adeeego isaga oo sheegay in Marshuucaasi uu ka yimid maskax ay leeyhiin reer Puntland laguna fuliyay xoola ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qiray in wax-qabad wanaagsan ay muujiyeen hoggaanka iyo bulshada reer Puntiland uuna ka muuqdo rabitaan dawladnimo, biseyl, dul-qaad iyo dadnimo ay tahay in ay uga daydaan bulshada Soomaaliyeed inteeda kale.

Dhanka kale, Isimada gobalka Nugaal ayaa munaasabad soo dhaweyn ah Garowe ugu sameeyay Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre iyo wafdiga la socda waxa ayna ku ammaaneen Ra’iisul Wasaaaraha dardargelinta shaqada ballaaran ee Qaranka iyaga oo ka codsaday in uusan ku niyad jebin caqabadaha kahor imaanaya inta uu ku guda jiro dadaalladda horuminta qaranimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday Isimada in laba jibbaaraan teegeerada dawladda, isaga oo ku ammaanay ka qayb qaadashada dadaallada Nabadda, waxa uuna ugu dambeyn ka ballan qaaday in uu shaqada Qaranka Soomaaliyeed u fulin doono si hufan, caqabad kasta oo timaadana uu u dul-qaadanayo si looga mira dhaliyo dadaalada lagu doonayo in Soomaaliya ay dib ula fal gasho aduunyada inteeda kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay gaaray Garowe waxa uu deegaannada Puntland ku sugnaan doonaa maalmaha soo socda, isaga oo 1-da bisha August ka qeyb gelayaa munaasabadda 20 sano guurada aasaaska maamulka Puntland.

 

Previous Post

R/wasaaraha Soomaaliya” Waxaan dooneynaa iney dhalinyaradu noqdaan Tabliiqa cusub ee Nabada iyo Dowladnimada”

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In