Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaasaha XFS oo ku baaqay in loo gurmado Fatahaadaha Beledweyne iyo Shabeellaha Dhexe

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dowladda Iyo Shacabka Turkiga Uga Tacsiyeeyay Dhibaatadii Ka Dhalatay Dhul Gariirkii Gobalka Elazig
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan looga hadlay Xaaladda bini’aadninimo ee Beledweyne iyo gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa ku baaqay gurmad deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socda dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo hay’adaha fuliya oo ay ka mid ahaayeen Mareykanka, Jarmalka, Sweden, UK, Masar, Turkiga, Norway, Talyaaniga, EU, Amisom iyo Baniga Adduunka. Madaxweynaha HirShabeelle oo shrika qayb ka ahaa ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaaladda hadda jirta iyo talooyin ku aaddan sidii xal waara loogu heli helaa.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda oo dhexda ka dabaaleyna dhibaatada ka dhalatay Karoona ay hadana ay wajeheyso xaalad bini’aaninimo oo ka dhalatay wabiga Shabeelle ee karkaarrada jabdaday, kaas oo baabi’iyay dhul beereed, guryo dumiyay, ganacsiyadii waaweynaa saameeyay, kumannaan dad ahna barakiciyay. Daadadka Beledweyne waa kuwa soo laalabta, sanad kastana khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayeyna geytaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in sanad kasta dadka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin la sii ogyahay, waxuuna ka qayb galayaasha shirka u sheegay in taageerada saaxiibada caalamku siiyaan Soomaaliya aan laga gaareyn ujeedadii horumarineed ee laga lahaa inta daadaka iyo maamulka biyaha xal waara loo helayo.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in xal waara loo helo dhibaatada fatahaadaha iyo abaaraha, lana sameeyo qorshe lagu maareynayo biyaha, In loo gurmado dadka ka barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne iyo tuulooyinka hoos taga Jowhar.

Waxaa sidoo kale la bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen Dawladda Federaalka iyo Dawlad-goboleedka HirShabeellee, kuwaas oo yareeyay khasaarihii uu inta badan sameyn jiray wabiga.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho 14-05-2020

Next Post

Webiga Shabeelle oo ku Fatahay Tuulooyin ka tirsan degmada Jalalaqsi

Next Post
Webiga Shabeelle oo ku Fatahay Tuulooyin ka tirsan degmada Jalalaqsi

Webiga Shabeelle oo ku Fatahay Tuulooyin ka tirsan degmada Jalalaqsi

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In