Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Cumar C/rashiid Cali iyo Danjiraha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya mamadu Sidiku ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo kulanka ay job-joogeyaal ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Xafiska Ra’iisul wasaaraha.

Danjiraga Midowga ee Soomaaliya, Mamadu Siduku ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaa guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin naddeynta Soomaaliya dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka Soomaaliya.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa uga mahadceliyey Danjiraha Midowga Africa sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaalka AMISOM eek u wajan in lagu guuleysto xasilinta iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.

Sidoo kale  inta uu kulan socdey ayaa  la isku soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Africa iyo Soomaaliya wada shaqeynta u dhaxeysa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo AMISOM, ayaa Ra’iisul wasaaruhu u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in AMISOM ay gacan buuxdo ka geysato sidii loo taakuleyn lahaa ballaaran ciidammada Booliska I ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalka iyo in la dhameystiro isku dhafidda Ciidammada Qalabka Sida.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qeybihiisa dambe in Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo  AMISOM ay sii dardargeliyaan howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, si gobollada dalka oo dhan loo gaarsiiyo barnaamijka xasilinta dalka ee qorshihiisu uu socdo hadda.

Ugu dameyntii Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa ku ammaanay doorka Midowga Africa ee Somalia, waxa uu uga tacsiyeeyey weerarkii ay argagixsadu ka geysteen saldhigga ugu weyn AMISOM ee Xalane, waxa uuna ballan qaaday in uu sii joonteyn doono wada shaqeynta Xukuumadda Midowga Africa iyo AMISOM, si dalka loo gaarsiiyo hiigisga 2016-ka oo ah qorshaha u degan Soomaaliya.

 

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Next Post

 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

Next Post
 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In