Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Cumar C/rashiid Cali iyo Danjiraha Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya mamadu Sidiku ayaa waxa uu ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyadoo kulanka ay job-joogeyaal ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Xafiska Ra’iisul wasaaraha.

Danjiraga Midowga ee Soomaaliya, Mamadu Siduku ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaa guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin naddeynta Soomaaliya dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka Soomaaliya.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid, ayaa uga mahadceliyey Danjiraha Midowga Africa sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaalka AMISOM eek u wajan in lagu guuleysto xasilinta iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.

Sidoo kale  inta uu kulan socdey ayaa  la isku soo qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka Midowga Africa iyo Soomaaliya wada shaqeynta u dhaxeysa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo AMISOM, ayaa Ra’iisul wasaaruhu u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in AMISOM ay gacan buuxdo ka geysato sidii loo taakuleyn lahaa ballaaran ciidammada Booliska I ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalka iyo in la dhameystiro isku dhafidda Ciidammada Qalabka Sida.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qeybihiisa dambe in Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo  AMISOM ay sii dardargeliyaan howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, si gobollada dalka oo dhan loo gaarsiiyo barnaamijka xasilinta dalka ee qorshihiisu uu socdo hadda.

Ugu dameyntii Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa ku ammaanay doorka Midowga Africa ee Somalia, waxa uu uga tacsiyeeyey weerarkii ay argagixsadu ka geysteen saldhigga ugu weyn AMISOM ee Xalane, waxa uuna ballan qaaday in uu sii joonteyn doono wada shaqeynta Xukuumadda Midowga Africa iyo AMISOM, si dalka loo gaarsiiyo hiigisga 2016-ka oo ah qorshaha u degan Soomaaliya.

 

Previous Post

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Next Post

 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

Next Post
 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In