Thursday, June 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 24, 2015
in Wararka
0
Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo  Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha  Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani  Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cuamr Carte Qaalib uu la qaatay  mas’uuliyiinta  hay’addaha qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha bini’aadanimada  ayaa looga hadlayay dar-gar galinta ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan  kara roobabka dabalayha wata ee la saadaaliyey  iyo sidii hay’adaha Qaramadda midoobay ay gacan kaga gaysan lahayeen dadaaladda ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan  sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan  karaa roobkaasi Elnino.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka ku wehliyey guddiga heerka qaran ee xukuumadda u xilsaartay ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan kara  roobabka dabeylaha wata  kaasi oo saameynta  ugu badan laga yaabo in ay ku yeelato  dadka degan deegaanada  ku teetsan  xeebaha iyo kuwa ay maraan  wabiyadda juba iyo shabeelle .

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025

Guddiga heerka qaranka ee u xilsaaran  roobabka dabeylaha wata ee la saadaaliyay ayaa kulanka warbixin looga dhageystay oo ku aadan  halka ay mareyso  diyaar garowga  dowladda  Soomaaliya  ay wado ee la xiriira  roobabka  dabeylaha wato, iyagoo xusay in xiligaan qaybo ka mid ah Soomaaliya ay ka Curteen Soomaaliya roobka deyrta ah kuwaasi  oo dhibaayooyin u geystay dadka beeralayda iyo  xoolaha dhaaqatada ah.

Wakiiladda hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca  gargaarka ayaa  balan qaaday in kaalinta kaga aadan ay ka qaadanayaan   ka hortaga dhibaayooyinka ka dhalan kara Elnino .

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cuamr Carte oo kulanka ka jeediyey   hadal  kooban ayaa  tilmaamay in  dowladda Soomaaliya ay gudi heer qaran ah u magacowday  kaasi oo shaqadiisu tahay in ay isku xireen  hay’addaha heer fedraal,  maamul goboleedyadda iyo kuwa gargaarka   ee isugu jira heer calami iyo kuwa gudaha,waxaa uuna intaa ku daray in hay’adaha   bini’aadanimada ka shaqeeya looga bahan yahay waxqabad dhab ah dowladuna ay kula xisaabtami doonto.

Dhinaca kale  Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cuamr Carte ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu magaladda   muqdisho kula yeeshay  safiirka dowladda china u joogo dalka  iyo ku xigenka  ergeyga  gaarka ah ee qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaalada Soomaaliya oo qeyb ka eheyd sida doorasho ay ugu dhici karto dalka 2016-k.,

Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka iyo safiirka china ayaa ka wada hadlay shirka  isku xirka dhaqaalaha iyo ganacsiga  Africa iyo china kaasi oo lagu qaban doono dalka  koofur Africa. Kulanaasi  waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo  safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya  dalka china.

12226816_870541266400537_991399824_n 12272724_870541229733874_1993966735_n 12277226_870541193067211_155271346_n 12277330_870541323067198_942525983_n 12277331_870541246400539_639718715_n 12278011_870541209733876_1928355294_n 12278058_870541263067204_1032338594_n 12282999_870541253067205_402414667_n 12285716_870541309733866_367228026_n 12286132_870541196400544_1149658662_n 12286137_870541226400541_965632077_n 12305457_870541326400531_178689153_n 12305681_870541289733868_1985991574_n 12305690_870541333067197_315818795_n 12305811_870541343067196_1726746403_n 12309328_870541239733873_266882277_n 12309420_870541273067203_1993834654_n

Previous Post

Taliyaha Ciidanka X.D.S “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga” “Sawirro”

Next Post

Kulan Ay Haweenka Ugu Tashanayeen Sida Haweenka Ay Uga Qeyb Qaadan Karaan Hanaanka Siyaasada Dalka Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Kulan Ay Haweenka Ugu Tashanayeen Sida Haweenka Ay Uga Qeyb Qaadan Karaan Hanaanka Siyaasada Dalka Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Kulan Ay Haweenka Ugu Tashanayeen Sida Haweenka Ay Uga Qeyb Qaadan Karaan Hanaanka Siyaasada Dalka Oo Muqdisho Lagu Qabtay "Sawirro"

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

June 5, 2025
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In