Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra,isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shir gudoomiyay Shir looga hadlayay mashaariicda hormarineed ee dalka ka socda

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra,isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shir gudoomiyay Shir looga hadlayay mashaariicda hormarineed ee dalka ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan bilaha ah ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka SDRF ee looga hadlo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra,isul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed {Qadar} kaa oo maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaana ka qayb galay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada XFS, wakiilo ka socday Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir iyo Wakiilo ka socday beesha caalamka .

 

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Shirka waxaa warbixin looga dhageestay mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya uga qayb galay shirka iyo wakiilada ka socday dowlad Gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir sidoo kale xubnaha beesha caalamka waxaana dowlada Soomaaliya ay halkaa ku soo bandhigtay tubaha afarta ah ee kala ah siyaasada loo dhanyahay Amniga, Cadaalada, Arrimaha bulshada iyo Dhaqaalaha iyo hormar la gaaray sanadkaan dhamaadka ah ee 2018- ka.

“Shirkaan waa shir bille ah waxaana maanta shir guddoominayay Ra,isul wasaare ku xigeenka dalka waxaa diirada lagu saaray hormarkii la gaaray sanadka 2018 ka waxaan soo bandhignay tubaha afarta ah ee saldhiga u ah shaqada Xukuumadda sida tubta amniga iyo cadaaladda  tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Dhowr Jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo qabtay Shirkaan SDRF ee looga hadlo mashaariicda hormarineed ee dalka ka socota, dowladda Soomaaliya ayaana hadda u wajahaysa  si ka duwan  bilihii tagay  mashaariicda Soomaaliya soo diyaarsato ee ay la timaado ayaa la fulin doonaa halka markii hore aysan sidaa ahayn  waxaana taasi ay muujineysaa in talaabo horay loo qaaday sanadihii ugu dambeeyay.

Previous Post

US announced multi-million aid to Somalia

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland + Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland + Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Duqa Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland + Sawirro

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In