Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada gobolka Geeska Afrika, kaas oo diiradda lagu saarayay fahamka xaaladaha isbeddelaya ee gobolka iyo saameyntooda mustaqbalka.
Intii uu socday shirka, Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si qoto dheer loo fahmo isbeddellada ka socda Geeska Afrika, isaga oo sidoo kale xusay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta dalalka gobolka iyo beesha caalamka si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.











