Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Real Madrid oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Spain “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Real Madrid oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Spain “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Real Madrid ayaa afar dhibcood ka dhigtay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka Spain ee La Liga,ka dib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Elche.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa caawo kulankiisii 100-aad leyliyay kooxda Real Madrid.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Gool-hayaha kooxda Real Madrid ahna kabanka kooxda kooxda Iker Casillas ayaa caawo kulankiisii 500-aad ee horyaalka Spain u saftay kooxda Real Madrid.

Kooxda Elche oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Manuel Martinez Valero ayaana wax gool ah laga dhalin qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii la isku laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Real Madrid ciyaaryahan Karim Benzema.
Karim goolKari cele
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta goolka labaad oo madax ahaa u dhaliyay kooxda Real Madrid.
Ron cele7cele
Ciyaaryahan Ronaldo oo hogaaminayo gool dhalinta hoyaalka ayaa dhaliyay goolkiisii 27-aad ee horyaalka Spain ee La Liga.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka sedaxaad ee ugu gool dhalinta badan taariikhda kooxda Real Madrid,isagoo caawo dhaliyay goolkiisii 290-aad,isagoo ku dhaliyay 281-kulan.

Ciyaaryahan Santillana oo weerarka uga ciyaari jiray xulka qaranka Spain iyo Real Madrid ayaa 290-gool ugu dhaliyay kooxda Real Madrid 645-kulan laga soo bilaabo sanadkii ugu horeeyay oo uu u saftay kooxda oo ahaa sanadkii 1971-dii.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa 15-gool ka hooseeya ciyaaryahanka labaad ee ugu gool dhalinta badan kooxda Real Madrid oo ah Alfredo Di Stefano,isagoo 33-gool ka danbeeya ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan kooxda Real Madrid oo ah Raul.

Ciyaaryahan Raul ayaa hogaaminayo gool dhalinta kooxda Real Madrid,waxana uu dhaliyay 323-gool.

Ciyaaryahan Alfredo Di Stefano ayaa kaalinta labaad ku jiro,waxana uu kooxda Real Madrid u dhaliyay 305-gool.

Halka Ciyaaryahan Ronaldo uu caawo noqday ciyaaryahanka kaalinta sedaxaad uga jiro gool dhalinta kooxda Real Madrid,isagoo dhaliyay 290-gool.

Kooxda Real Madrid ayaa horyaalka Spain ee La Liga ku hogaamineyso 60-dhibcood,halka kooxda Elche ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In