Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Real Madrid oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Spain “SAWIRRO”

February 23, 2015
in Ciyaaraha
0
Real Madrid oo Sii Kordhisay Dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Spain “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Real Madrid ayaa afar dhibcood ka dhigtay dhibcaha ay ku hogaamineyso horyaalka Spain ee La Liga,ka dib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Elche.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa caawo kulankiisii 100-aad leyliyay kooxda Real Madrid.

Related posts

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

March 31, 2022
Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

December 27, 2021

Gool-hayaha kooxda Real Madrid ahna kabanka kooxda kooxda Iker Casillas ayaa caawo kulankiisii 500-aad ee horyaalka Spain u saftay kooxda Real Madrid.

Kooxda Elche oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Manuel Martinez Valero ayaana wax gool ah laga dhalin qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii la isku laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Real Madrid ciyaaryahan Karim Benzema.
Karim goolKari cele
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta goolka labaad oo madax ahaa u dhaliyay kooxda Real Madrid.
Ron cele7cele
Ciyaaryahan Ronaldo oo hogaaminayo gool dhalinta hoyaalka ayaa dhaliyay goolkiisii 27-aad ee horyaalka Spain ee La Liga.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka sedaxaad ee ugu gool dhalinta badan taariikhda kooxda Real Madrid,isagoo caawo dhaliyay goolkiisii 290-aad,isagoo ku dhaliyay 281-kulan.

Ciyaaryahan Santillana oo weerarka uga ciyaari jiray xulka qaranka Spain iyo Real Madrid ayaa 290-gool ugu dhaliyay kooxda Real Madrid 645-kulan laga soo bilaabo sanadkii ugu horeeyay oo uu u saftay kooxda oo ahaa sanadkii 1971-dii.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa 15-gool ka hooseeya ciyaaryahanka labaad ee ugu gool dhalinta badan kooxda Real Madrid oo ah Alfredo Di Stefano,isagoo 33-gool ka danbeeya ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan kooxda Real Madrid oo ah Raul.

Ciyaaryahan Raul ayaa hogaaminayo gool dhalinta kooxda Real Madrid,waxana uu dhaliyay 323-gool.

Ciyaaryahan Alfredo Di Stefano ayaa kaalinta labaad ku jiro,waxana uu kooxda Real Madrid u dhaliyay 305-gool.

Halka Ciyaaryahan Ronaldo uu caawo noqday ciyaaryahanka kaalinta sedaxaad uga jiro gool dhalinta kooxda Real Madrid,isagoo dhaliyay 290-gool.

Kooxda Real Madrid ayaa horyaalka Spain ee La Liga ku hogaamineyso 60-dhibcood,halka kooxda Elche ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In