Friday, July 1, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Real Madrid oo Wali Sii Wado Guulaheeda iyo Ronaldo oo Rikoor Cusub Dhigay “SAWIRRO”

December 7, 2014
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Real Madrid Santiago Bernabeu 3-0 uga badisay kooxda Celta Vigo.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa qeybtii hore ee ciyaarta goolka koowaad oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda Real Madrid.

Related posts

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta arrimaha Isboortiga G/Banaadir oo laga shiray “SAWIRRO”

March 31, 2022
Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

Xulka Degmada Dharkeynley oo ku guuleystay tartanka kubbadda Cagta Degmooyinka “SAWIRRO”

December 27, 2021

Pencaleee

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta labada gool ee kale u dhaliyay kooxda Real Madrid.

caleee celee celeeeee cris crist ron celee Ronaldo

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa caawo dhaliyay hat-trick-gii 23-aad oo uu dhaliyo horyaalka Spain ee La Liga.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa jabiyay rikoorkii ahaa 22 hat trick oo horyaalka Spain ay ka dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Alfredo Di Stefano oo u ciyaari jiray Real Madrid iyo Telmo Zarra oo u ciyaari jiray kooxda Athletic Bilbao.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa 23-gool ku hogaaminayo gool dhalinta horyaalka Spain ee La Liga,waxana uu ku dhaliyay 14-kulan.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 200-aad ee horyaalka Spain,isagoo ku dhaliyay 178-kulan.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa kualnkii 17-aad oo isku xiga gool ku dhaliyay garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabeu.

Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale la sinmatay rikoorkii ay kooxda Barcelona dhigtay sanadkii 2005-06 oo ahaa in ay 18-kulan oo isku xiga ay badisay horyaalka Spain ee La Liga,waxana xiligaasi kooxda Barcelona tababare u ahaa macalin Frank Rijkaard.

Kooxda Real Madrid ayaa horyaalka Spain ee Liga ku hogaamineyso 36-dhibcood,halka kooxda Celta Vigo ay horyaalka uga jirto kaalinta sideedaad,iyadoo leh 20-dhibcood.

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa 2-0 uga badisay kooxda Elche.

Kooxda Atletico Madrid ayaa waxaa labadii qeyb ee ciyaarta labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Jose Gimenez iyo Mario Mandzukic.

jose

Kooxda Atletico Madrid ayaa horyaalka Spain ee La Liga uga jirto kaalinta labaad,waxana ay leedahay 32-dhibcood,halka kooxda Elche ay kamid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Previous Post

Manchester City oo u Soo Dhawaatay Kooxda Chelsea “SAWIRRO”

Next Post

Bayern Munich oo Ka Badisay Kooxda Bayer Leverkusen

Next Post

Bayern Munich oo Ka Badisay Kooxda Bayer Leverkusen

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

Cali Guudlaawe oo Jowhar gaaray

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dib ugu laabtay Caasimada Jowhar kadib safar uu dhawaanahaan ku...

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dalka oo ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon “SAWIRRO”

July 1, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey...

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

Ergeyga XFS ee Ururka Iskashiga Islaamka oo la kulmay xubno ka tirsan Ururkaasi

July 1, 2022
0

Ergeyga Joogtada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Ururka Iskaashiga Islaamka Ibraahim Adan Muusa ayaa la kulmay madaxa qunsulka...

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Xuska 1da Luulyo oo caawa lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

July 1, 2022
0

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In