Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Rikooro Cusub oo laga diiwan geliyay koobka aduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 16, 2018
in Ciyaaraha
0
Rikooro Cusub oo laga diiwan geliyay koobka aduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koobka aduunka oo mudo sodon cisho ah ka socday dalka Ruushka ayaa la soo gaba gabeeyay waxaa uu ahaa kii 21-aad oo la qabto sanadkaan waxaa ku cusbaa aalada Muuqal Caawiyaha garsoorka {VAR} oo markii ugu horeysay lagu qabtay koobka aduunka.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Sida Caadada ahayd koobka waxaa ka qayb galay 32 dal waxaa la ciyaaray 64 kulan faransiiska ayuuna nasiibka siiyay in uu noqdo dalka kaliya ee kala laabtay guusha dalalka ay ku riyoonayeen in ay gaari doonan maalintii ugu horeysay ee tartanka uu ka bilowday dalka Ruushka waana markii labaad oo faransiiska uu ku guuleysto koobka 4-2 waxaa uu ugu adkaaday dalka Croatia oo noqday dalkii 13-aad oo soo gaara kama danbeysta tartanka, dalka Belgium ayaa kaalinta sadexaad ku dhameystay waana guushii ugu sareysay uu ka soo hooyo koobka aduunka.

Waxaa laga diiwan geliyay dhacdooyin ku cusub koobka aduunka kuwaasi oo aanan horey ugu dhacin tan iyo markii la bilaabay koobka aduunka sanadkii 1930-kii iyo kuwa kale oo horey u dhacay balse ay ka soo wareegatay ku dhawaan 50 sano iyo ka badan.

Didier Deschamps waa shaqsigii sadexaad ee koobka ku guuleysta asigoo ah macalin iyo Ciyaryahan waxaa sidaasi horey u sameyay Mario Zagallo oo u dhashay dalka Brazil iyo  Franz Beckenbauer oo ahaa Jarmal.

Faransiiska waxaa uu noqday dalkii ugu horeyay ee dhaliya kama danbeysta koobka aduunka 4 gool tan iyo sanadkii 1970 xiligaasi oo Brazil  ay ku garaacday Italy 4-1 kadib ma dhicin in kama danbeysta koobka aduunka dal uu dhaliyo afar gool.

Croatia waxaa uu noqday dalkii ugu horeyay ee markisii ugu horeyay ee uu soo gaaro kama danbeysta koobka aduunka oo ku guuldareysto hanashada koobka tan iyo sanadkii 1974 kolkaasi oo dalka Holland looga guuleystay tartanka waana dal dadku ay ku sheegan inuu yahay mid ku nasiib xun had iyo jeer dhanka kubada cagta.

Mario Mandzukic waxaa uu noqday ciyaryahankii ugu horeyay ee iska dhaliya gool kama danbeysta koobka aduunka waa tariikh aad u xun oo aanan horey looga diiwan gelin dhaqdooyinka koobka aduunka tan iyo markii la soo bilaabay sanadkii 1930-kii

Kylian Mbappe oo saxiixay goolkii afaraad ee faransiiska sahlay in ku guuleysto koobka aduunka markii labaad tariikhda ayaa waxaa uu jiray (19 sano iyo 207 Maalin ) waxaana uu noqday ciyaryahankii labaad ee ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya Fiinal koobka aduunka ah kaliya waxaa ka yaraa dhamaan xidigihii goolasha ka soo dhaliyay kama danbeysta koobka aduunka tan iyo markii la bilaabay Pele kaasi oo da’diisu ahayd (17 sano iyo 249 Maalin ).

Griezmann ayaa u dhaliyay goolkisii tobanaad Faransiiska waxaa sidaasi uu ku noqday ciyaryahanka afaraad ee goolasha tartamada u dhaliya faransiiska kaliya waxaa ka sareeya  (Michel Platini oo 14 dhaliyay, Just Fontaine oo 13 dhaliyay iyo Thierry Henry oo dhaliyay  12).

Ivan Perisic ayaa noqday ciyaryahankii labaad ee kama danbeysta koobka aduunka gool dhaliyay kadib rigooro galay horey sidaasi oo kale waxeey ku dhacday  Marco Materazzi koobkii aduunka ee 2006 oo dalkiisa Italy uu ku guuleystay koobkii.

Pogba waxaa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeyay ee u ciyaara  Manchester United oo gool ka dhaliya kama danbeysta koobka aduunka sidoo kale waxaa ciyaryahankii ugu horeyay ee ka ciyaara oo gool ka dhaliya kama danbeysta koobka aduunka, labaatan sano ka hor waxaa sidaasi sameeyay Emmanuel Petit sanadkii 1998 xiligaasi oo sidoo kale faransiiska uu ku guuleystay koobka aduunka.

Pogba goolkii uu ka dhaliyay Croatia waxaa uu noqday goolkii ugu horeyay ee kama danbeysta koobka aduunka laga dhaliyo meel ka baxsan xerada ganaaxa tan iyo sanadkii 1982 kolkaasi oo uu banaanka ka dhaliyay xidigii xulka qaranka talyaaniga Marco Tardelli waxaana goolkaasi uu ka dhaliyay Germany.

Mario Mandzukic Sidoo kale waxaa uu noqday ciyaryahankii ugu horeyay ee kulan koobka aduunka gool iska dhaliya soona dhaliya tan iyo sanadkii 1978 xiligaasi oo sidaasi oo kale ay ku dhacday Ernie Brandts oo u dhashay dalka Kulan dalkiisa hooyo uu la ciyaarayay  Italy sidoo kale Mandzukic waxaa uu noqday ciyaryahankii shanaad ee goolal ka dhaliya kama danbeysta koobka aduunka iyo koobka kooxaha Yurub sidaasi horey waxaa u sameeyay xidigaha  Ferenc Puskas, Zoltan Czibor, Gerd Muller iyo Zinedine Zidane.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Booliska Turkey “Sawirro”

Next Post

Shirka Horumarinta Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgiumka

Next Post
Shirka Horumarinta Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgiumka

Shirka Horumarinta Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgiumka

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In