Wednesday, December 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Roma oo Badisay iyo AC Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Roma oo Badisay iyo AC Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Udinese ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Friuli 0-1uga badiyay kooxda Roma oo dhanka dhibcaha horyaalka la simantay kooxda Juventus.

Kooxda Roma ayaa daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Davide Astori.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

gool

DavidRomaceleCelee

Tababaraha kooxda Roma Rudi Garcia ayaa ku baaqay in horyaalka talyaaniga laga hir galiyo qalabka goolka la galiyo ee goal-line technology,kaasi oo lagu ogaado in uu goolka dhashay iyo in kale.

Kooxda Roma ayaa ku dhibco noqotay kooxda Juventus oo caawo la ciyaareyso kooxda Inter Milan,waxana ay wada leeyihiin min 39-dhibcood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 22-dhibcood.

Dhanka kale kooxda AC Milan ayaa waxaa garoonkeeda San Siro 1-2 uga badiyay kooxda Sassuolo.

Kooxda AC Milan ayaa goolka a hor martay,waxaana daqiiqadii sagaalaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Andrea Poli.

Ciyaaryahan Nicola Sansone ayaa daqiiqadii 28-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Sassuolo,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Simone Zaza ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta goolka labaad ee guusha u dhaliyay kooxda Sassuolo.

sad

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinra todobaad,waxana ay leedahay 25-dhibcood,halka kooxda Sassuolo ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh23-dhibcood.

Kooxda Parma oo ugu hooseyso horyaalka talyaaniga ayaa garoonkeeda Ennio Tardini 1-0 uga badisay kooxda Fiorentina.

Ciyaaryahan Andrea Costa ayaa daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Parma.

Ciyaryahan Mario Gomez ayaa rigoore ka qasaariyay kooxda Fiorentina,waxana sidoo kale kaarka casaanka ah ka qaatay ciyaaryahanada kala ah Gonzalo Rodriguez iyo Stefan Savic.

Kooxda Parma oo uu hogaamiyo macalin Roberto Donadon ayaa gaartay guusheedii sedaxaad ee horyaalka.

Kooxda Fiorentina ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sagaalaad,waxana ay leedahay 24-dhibcood,halka kooxda Parma ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya.

Kooxda Palermo ayaa garoonkeeda Stadio Renzo Barbera ku xasuuqday oo 5-0 uga badisay kooxda Cagliari.

Ciyaaryahan Paulo Dybala ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay kooxda Palermo,halka goolasha kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Michel Morganella, Ezequiel Munoz iyo Edgar Barreto.

Calee Celee Gool

Tababaraha cusub ee kooxda Cagliari Gianfranco Zola ayaa guul darro lagu soo dhaweeyay.

Zola

Kooxda Palermo ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 25-dhibcood,halka kooxa Cagliari ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseya.

 

Previous Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Mudisho

Next Post

Madxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaallada Galgalo

Next Post
Madxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaallada Galgalo

Madxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaallada Galgalo

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

December 31, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wada-hadal dhanka taleefanka ah la...

Dibad baxyo ka dhan ah Isra’iil oo ka dhacay magaalooyin horleh

Dibad baxyo ka dhan ah Isra’iil oo ka dhacay magaalooyin horleh

December 31, 2025
0

Waxaa sii kordhaya magaalooyinka dalka oo ay ka dhacayaan dibadbaxyada looga soo horjeeday damaca gurracan ee Isra1l ku dooneysay in...

Xukuumadda DanQaran oo qaaday talaabooyin lagu adkeynayo Midnimada JFS

Xukuumadda DanQaran oo qaaday talaabooyin lagu adkeynayo Midnimada JFS

December 31, 2025
0

Xukuumadda DanQaran, oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

December 31, 2025
0

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In