Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Hellas Verona ayaa garoonkeeda Stadio Marc’Antonio Bentegodi barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Roma.

Kooxda Roma ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Francesco Totti.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ciyaaryahan Seydou Keita ayaa daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta gool bareejo ah ka dhaliyay kooxdiisa Roma,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Roma ayaa kaalinta labaad uga jirto kala horeynta horyaalka talyaaniga ee Serie A-da,waxana ay leedahay 48-dhibcood,halka kooxda Hellas Verona ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo ay leedahay 25-dhibcood.

Kooxda Lazio ayaa garoonkeeda Olimpico 2-1 uga badisay kooxda Palermo.

Kooxda Palermo ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Paulo Dybala.

Ciyaaryahan Stefano Mauri ayaa daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Lazio,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Antonio Candreva ayaa daqiiqadii 78-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Lazio.

Kooxda Lazio ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 40-dhibcood,halka kooxda Palermo ay horyaalka uga jirto kaalinta sagaalaad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Kooxda AC Milan ayaa garoonkeeda San Siro 2-o uga badisay kooxda Cesena.

Kooxda AC Milan ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Giacomo Bonaventura,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Cele
Ciyaaryahan Giampaolo Pazzini ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda AC Milan.

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta sideedaad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda Cesena ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Empoli ayaa garoonkeeda Carlo Castellani 3-0 uga badisay kooxda ChievoVerona.

Kooxda Empoli ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Daniele Rugani,sidasi ayaana lagu nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Massimo Maccarone ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Empoli.

Ciyaaryahan Massimo Maccarone ayaa daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Empoli.

Kooxda Empoli ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta 14-aad,waxana ay leedahay 27-dhibcood,halka kooxda ChievoVerona ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Previous Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ku baaqey in la joojiyo colaadda gobolka Hiiraan

Next Post

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Ugu Soo Xeray Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Next Post
Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Ugu Soo Xeray Guddiga Garsoorka Ee  Baarlamaanka “SAWIRRO”

Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Kigali Siminaar Ugu Soo Xeray Guddiga Garsoorka Ee Baarlamaanka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In