Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Ronaldo Oo Raacay Messi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha
0
Ronaldo Oo Raacay Messi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka qaranka Uruguay ayaa u gudbay wareega sideeda-ka ee koobka aduunka kadib markii ay ka adkaaden xulka qaranka Portugal kulan xiiso badan dhexmaray labada dal.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ciyaarta oo hogaanka ay qabatay Uruguay ayaa waxaa goolka u saxiixay Cavani ayadoo barbaro 1-1 ah uu ka dhigay Pepe oo difaaca ugu ciyaara Portugal.

Qaybtii danbe markii la isku soo laabtay ayaa waxaa markale hogaanka qabatay Uruguay waxaana gool kale ka dhaliyay Cavani oo habeenkiisa ay ahayd caawa waxaana uu ay ahayd markii sadexaad oo shabaqa uu soo taabtay tan iyo markii uu koobka aduunka bilowday.

Goolka pepe uu ka dhaliyay Uruguay ayaa ahaa goolkii ugu horeyay oo laga dhaliyo Uruguay tan iyo markii uu bilowday koobka aduunka waxaana ay barbareyeen Rikoor u yaalay xulka qaranka Uruguay hase yeeshe Rikoor cusub oo ay doonayeen difaacyada Uruguay ayeeysan u suurta gelin.

Uruguay ayaa sidoo kale ka adkaaday Portugal markii ugu horeysay laba jeer oo horey ay u wada kulmeen ayaa waxaa ay ku kala tageen kulan laga adkaaday Uruguay iyo mid ay iska dhaafi waayen oo ay ku kala baxeen barbaro.

Uruguay ayaa haatan u gudbay wareega sideeda-ka ee koobka aduunka waana mid ka mid ah dalalka ugu adag koobka aduunka ayadoo horey ay ugu soo guuleysteen koobka aduunka laba jeer waana dalkii ugu horeyay ee ku guuleysta koobka aduunka markii ugu horeysay oo la qabtay sanadkii 1930-kii, dhanka kale Uruguay oo guuleysata afarta kulan ee ugu horeysa koobka aduunka ayaa noqoneyso markii ugu horeysay tan iyo sanadkii ugu horeyay ee koobka aduunka la qabto oo ay ku guuleysteen.

Cavani oo ku guuleystay laacibka ugu wanaagsan garoonka ayaa dhaliyay labada gool ee u suurta gelisay in ay ku garacaan Portugal ayaa waxay noqoneysaa markii labaad oo goolal uu u dhaliyo Uruguay laba jeer oo horey uu u dhaliyay waa laga adkaaday hase markaan nasiibka ayaa saaciday oo waxay noqdeen goolashiisa kuwa qaranka dalkiisa guulo ay ku gaaran.

Wareega sideeda waxay la ciyaari doonan xulka qaranka France oo qaarijiyay galabta Argentina iyo Messi halka Uruguay ay soo qaarijiyeen Ronaldo iyo Portugal ayadoo labadii kulan ee ugu horeysay wareega 16-ka la iska dhaliyay 10 gool taasi ayaana sababtay xiisaha uu leeyahay wareega 16-ka ee koobka aduunka.

Ronaldo iyo Messi oo ku guuleystay toban jeer laacibka ugu wanaagsan dunida ayaa tartanka laga ciribtay kadib markii ay ku guuldareysteen in dalalkooda ay ku hagaan wadadii guusha waxaana haatan ay ka dhigan tahay in labaduba aysan ku guuleysan doonin koobka aduunka ayadoo da’doodu ay tahay mid sare waana sababta aysan ugu guuleysan karin koob aduunka markale.

Previous Post

Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyay Mourutania.+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Gaas”Waxaan u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed horumar iyo midnimo waarta”

Next Post
Shirka wadatashiga oo arrimo badan looga hadlay “SAWIRRO”

Madaxweyne Gaas”Waxaan u rajeynayaa umadda Soomaaliyeed horumar iyo midnimo waarta”

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha

April 1, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug soo gaarsiiyey Kaararka codbixiyaasha hore loo diiwaangeliyey,...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo booqday Isbitaalka Benaadir

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta booqday Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In