Dagaalka ciidamada Ruushka ay ku qadeen dalka Ukraine, ayaa galay maalintii 45-aad maanta oo Sabti ah, waxaana ciidamada Ruushka lagu eedeeyay inaay wadaan duqeeymo ay la beegsanayaan kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku dhawaaqday maanta in Ciidamadooda ay burburiyeen qeybo ka mid ah Keydkii Hubka Ukraine ee ku yaallay gobolka Poltava, iyagoo sidoo kale sheegay in halmaalin lagu burburiyay 85 xarumood oo ciidamada Ukraine ay lahaayeen.
Afhayeenka Wasaaradda Gashaan dhiga Ruushka, Igor Kuna Shenkov, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ruushka ay hareereeyeen boqolaal calooshood u shaqeystayaal reer Yurub ah oo ku sugnaa magaalada Mariupol.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ugu danbeeyntii ku dhawaaqday in Bakhaarro ay ku jiraan kiimikooyin Sun ah oo ku yaalla magaalada Avdiivka ee bariga Ukraine ay Gacanta ku dhigeen, ayna qorsheynayaan inay qarxiyaan.