Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan colaadaha, iyagoo u jihaystay dhanka nabad ku wada noolaan shaha.

“Maanta goballada dalka waxaa ka socda shirar isugu jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamullada gobollada, waa nasiib darro in taas ay bar-bar socoto dagaal beeleedyo dhaawici kar kalsoonida shacabka wada dagan, waxayna abuuri kartaa xasillooni darro kusoo kororta deegaanka. Waxaan ku baaqayaa in miiska wada xaajoodka laysugu yimaado, lagana waantoobo in dagaaladaas sii socdaan, dowladduna waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu xakamayn karo colaadahaas soo noq noqday” ayuu yiri Mudane Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dagaallada iyo khilaafyadu ay soo kordhinayaan oo kaliya barakac, xasilooni darro iyo maatada oo ku dhimata. “Waxaan kula talinayaa qaybaha dagaalladu ka dhexeeyaan in ay si dhaqsa ah u joojiyaan iyagoo fiirinaya qasaaraha ka dhalan kara dagaaladaas” ayuu yiri RW.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambayntii baaq u diray waxgaradka ka soo jeeda deegaanadaas in ay wadahadal ku dhameeyaan colaadda isna cafiyaan si loo helo xal iyo nabad ku wada noolaasho dhex marta dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka oo xariga jaray Dugsi laga hirgeliyay degmada C/casiis

Next Post

Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda

Next Post
Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda

Barlamaanka oo meel mariyay Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ee dowladda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In