Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW. Cumar oo maanta ka qayb galay kulan qado ah oo ka dhacay makhaayad ku taala xeebta Liido “Sawirro”

February 6, 2015
in Wararka
0
RW. Cumar oo maanta ka qayb galay kulan qado ah oo ka dhacay makhaayad ku taala xeebta Liido “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdihso, Feb, 06, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa maanta ka qayb galay qado sharaf uu ku marti qaaday Imaan Maxamed Yuusuf Islow, kulan kaas qadada ah ayaa ka dhacay hoteelka Beach Veiw oo ku yaala xeebta liido.

Ra’iisul Wasaaraha aya uga mahadceliyey qaban qaabiyayaasha qadada, sida wanaagsan ee ay usoo dhaweyeen martida isigu timid qadadaan, isagoona ku tilmaamay iney muujinayso ka soo qaybgalkeedu ka miro dhalinta dadaalada lagu doonayo in lagu walaaleeyo dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022

“Waxaa hada muuqta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan iney badalaan dhaqankii waayahaan danbe kala fogeeyey Soomaalida oo ahaa in qofba deegaankiisa iska joogo, waxaa hada hortayda fadhiya madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, iyo Koonfur Galbeed, waxayna tani tusaale u noqon doontaa in martiqaad kan la mid ah lagu qabto gobolada kala duwan ee dalka, loona wada hadlo si Soomaalinimo ah”

“War-murtiyeedkii maanta waxaa laga dheehan karaa in si wada jir ah loogu wada istaago sidii dalka loo gaarsiin lahaa higsiga 2016, taas oo qof walba oo Soomaaliyeed uu rajaynayo inuu arko Soomaaliya oo ay ka dhacdo doorashooyin” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay inuu xalay soo magacaabay xukuumad kadib wadatashi dheer, kana rajaynayo baarlamaanka iney codka kalsoonida siiyaan si ay u qabsato shaqooyinka baaxada leh ee horyaala.

“Waxaa dib u dhac ku yimid howlihii dowlada, dalkuna ma sii xamili karo inuu saan ku sii socdo, xukuumadda aan soo dhisayna waa mid aan ku soo xulay karti iyo aqoon, hadii aan u wajano marxalada taagan si wada jir ah, dalkaan waxaan gaarsiin karnaa meel ka waangsan meesha uu hada marayo”

Ugu danbayntii Imaan Maxamed Yusuf Islow ayaa ka codsaday xildhibaanda baarlamaanka iney xukuumadda u fududeeyaan howlaha horyaala madaama Duubabka dhaqanku yihiin kuwii soo magacaabay xildhibaanada ayna mudan tahay iney tixgalin siiyaan codsigooda.

–DHAMAAD—
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

unnamed (9)

unnamed (10)

unnamed (11)

unnamed (12)

unnamed (13)

unnamed (14)

unnamed (15)

unnamed (16)

unnamed (17)

Previous Post

DAAWO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Baarlamaanka ka Codsaday in Kalsoonida uu siiyo Xukuumada Cusub

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In