Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Cumar: “Waxaa noo qorsheyneysan dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhismaha maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe iyo ka mira dhalinta shirka Cadaado ka socda ee maamul loogu sameynayo bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa xusay in shirka ka socda magaalada Cadaado uu rajo weyn ka qabo inay ka soo baxaan maamul ay u dhanyihiin bulshada gobollada Mudug iyo Galgaduud ku nool, isagoo tilmaamay in xukuumadda ay dadaal ugu jirto hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaadatay.

Related posts

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026

“Maamul u sameynta Gobollada dhexe waa ay socotaa, waad ogtihiin shirka waxa uu ka furmay cadaado, guul ayayna xukuumadda u tahay in shirka uu ka furmo cadaado waayo waqti ayay nagu qaadatay, waxaana rajeynaynaa in waqti dhaw ay wax ka soo baxaan, waxaana noo qorsheysan in aan guda galno dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siineyso xoojinta amniga, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda.

“Xukuumad ahaan ahmiyadda koowaad waxa ay tahay sugidda amniga, oo ay bulshada ka shaqeysan karaan gudaha dalkooda, dadka bulshada u horseeday inay qaxaan, dowladda gacan bir ah ayay ku qabaneysaa, Ummadda waxa ay ku qanci doonaan sida aan amniga u sugno, haddii aysan shacabka dowladda la shaqeyn, dowladda kaligeed wax ma qaban karto, marka waxaan markale shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan xukuumadda, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha xagjirka ah ee ay u geysanayaan bulshada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

 

Previous Post

Wasiir Hadliye: “Xukuumaddu waxa ay qorsheysay dib u soo daadgureynta muwaadiniinta ku xaniban Yemen”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In