Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/W Cumar: “Waxaa noo qorsheyneysan dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhismaha maamul ay yeeshaan gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe iyo ka mira dhalinta shirka Cadaado ka socda ee maamul loogu sameynayo bulshada degta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa xusay in shirka ka socda magaalada Cadaado uu rajo weyn ka qabo inay ka soo baxaan maamul ay u dhanyihiin bulshada gobollada Mudug iyo Galgaduud ku nool, isagoo tilmaamay in xukuumadda ay dadaal ugu jirto hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee ay dowladdu qaadatay.

Related posts

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025

“Maamul u sameynta Gobollada dhexe waa ay socotaa, waad ogtihiin shirka waxa uu ka furmay cadaado, guul ayayna xukuumadda u tahay in shirka uu ka furmo cadaado waayo waqti ayay nagu qaadatay, waxaana rajeynaynaa in waqti dhaw ay wax ka soo baxaan, waxaana noo qorsheysan in aan guda galno dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe” ayuu yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda ay ahmiyadda koowaad siineyso xoojinta amniga, isagoo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda.

“Xukuumad ahaan ahmiyadda koowaad waxa ay tahay sugidda amniga, oo ay bulshada ka shaqeysan karaan gudaha dalkooda, dadka bulshada u horseeday inay qaxaan, dowladda gacan bir ah ayay ku qabaneysaa, Ummadda waxa ay ku qanci doonaan sida aan amniga u sugno, haddii aysan shacabka dowladda la shaqeyn, dowladda kaligeed wax ma qaban karto, marka waxaan markale shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan xukuumadda, si loo soo afjaro dhibaatada kooxaha xagjirka ah ee ay u geysanayaan bulshada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

 

Previous Post

Wasiir Hadliye: “Xukuumaddu waxa ay qorsheysay dib u soo daadgureynta muwaadiniinta ku xaniban Yemen”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo ee Radio Muqdisho

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse...

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In