Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW ku xigeenka oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta bahda saxaafada-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
RW ku xigeenka oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta bahda saxaafada-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga heer qaran ee loo xirsaaray qabanqaabada xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1da luuliyo, ayaa maanta kula kulmay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warbaahinta madaxa banaan iyo tan dowladda, waxana ay ka wada hadleen sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa dabaal daga maalmahan xoriyadda.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayi “Maareeye”, oo  ah gudoomiyaha gudiga farsamada Xafladda kulanka ka hadlay ayaa sheegay in warbaahinta qeybaheeda kala duwan looga baahan yahay in door muuqda ka ciyaaraan xuska maalmaha xoriyadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed maskaxdooda laga dhaadhicyo qiimaha ay leedahay xoriyadda.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026

“Maalmaha Xoriyadda waxay bulshada Soomaaliyeed uga duwan yihiin, waa maalmihii ay ka xoroobeen gumaystaha, waxaa laga doonayaa saxaafaddu in ay door muuqda ku yeelato baraarujinta shacabka iyo barista qiimaha xoriyaddu ay leedahay” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ah gudoomiyaha gudigga heer qaran ee qaban qaabada xuska 26, June iyo 1 Luuliyo ayaa u sheegay madaxda warbaahinta in laga doonayo door muuqda in ay ka qaataan horumarinta dalkooda. Wuxuuna sidoo kale ku dhiirigeliyay warbaahinta waddaniga ah iney kaalin wax ku ool ah ka qaataan wacyigelinta bulshada, nabadda iyo hirgelinta nidaamka dowlanimo.

“Waxaa fooda nagu soo haya maalmihii xoriyadda dalkeena, kuwaas oo muhiim u ah qaranka Soomaaliyeed, waxaan ka doonaynaa warbaahinta madaxda banaan iyo tan dowladda inay door ku yeeshaan sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa muhiimadda xoriyaddu leedahay”ayuu yiri ra’isulwasaare ku xigeenka dalka.

Guddigan heerka qaran ee uu Ra’iisul Wasaaruhu u magcaabay qabanqaabada xuska munaasabadaha maalmaha xorriyadda Soomaaliya, ayaa shaqadiisu tahay in uu qaban qaabiyo xuska, xiriiriyo hay’adaha ku hawlan xuska maalmaha qaran iyo in ay ka hawl-galaan sugidda amniga iyo habsami-u-socodka munaasabadaha xorriyadda.

IMG_7944 IMG_7948 IMG_7950 IMG_7951 IMG_7955 IMG_7959 IMG_7961 IMG_7964 IMG_7966

Previous Post

Kulan ku saabsan dib u habeynta Sharciga maalgashiga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Bisha cas ee Imaaradka Carabta oo afurin ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir

Next Post
Bisha cas ee Imaaradka Carabta oo afurin ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir

Bisha cas ee Imaaradka Carabta oo afurin ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo furay wajiga Labaad ee barnaamijka wadajirka Booliska ee (JPP II) .

January 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneral Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u furay shir...

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In