Friday, October 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Rooble oo la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
RW Rooble oo la kulmay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Related posts

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada

Next Post

Doorashada kursiga HOP#010 oo soo idlaatay

Next Post
Doorashada kursiga HOP#010 oo soo idlaatay

Doorashada kursiga HOP#010 oo soo idlaatay

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
0

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 25 ee shirkii Carta ayaa billad sharaf...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

October 30, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In