Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Ku Meel Gaarka Koofur galbeed, iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Socdaalka ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdigiisa ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shirka madasha Wadatashiga Qaran oo lagu wada in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.