Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb-galay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo .
Shirka ayaa inta uu socdo diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin Federaaleynta Maaliyadda, Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Hannaanka Doorashooyinka dalka.