Tuesday, July 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaaraha Xukuumadd oo ka qeybgalay xaflad loogu muujinayay waxqabadka xukuumadda 

caqiil by caqiil
February 5, 2018
in Wararka
0
Sawirro+Ra’iisul Wasaare Khayre “Ma aqbali karno in Magaalada Muqdisho laga dhigo meel dadka lagu xasuuqo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafladan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa ujeedadeedu aheyd in xukumadda looga mahadceliyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha ee sanadkii tegay iyo xuska sanadguurada koobaad ee ka soo wareegtay dib u howlgelinta xiriirka guud ee ururada shaqaalaha, waxaana ka qeybgalay R/wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyrre, wasiirka Maaliyadda, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, gudoomiyaha guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah  iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda.

C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ku amaanay dadaalkeeda ku wajahan hagaajinta nolosha shaqaalaha dowladda iyo guud ahaan bulshada inteeda kale.

Related posts

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025

Gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah mudane Xasan Abshirow ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sida ay xukuumaddu ugu guuleysatay bixinta mushaaraadka sanadki la soo dhaafay, isagoo shaqaalahana ku boorriyay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Gudoomiye ku xigeenka xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Nuur Axmed Diiriye ayaa ka hadlay taariikhda waxqabad ee xiriirka guud ee ururada shaqaalaha, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda ay ururada shaqaaluhu u leeyihiin horumarka dalka, wuxuuna ammaanay waxqabadka xukuumadda.

Gudoomiyaha xiriirka guud ee ururada shaqaalaha C/risaaq Macalin Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa shaddooyin gudoonsiiyay R/wasaare Kheyrre, wasiirka maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale, isagoo ku amaanay waxqabadkooda.

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in shaqaaluhu ay joogto u helidoonaan mushaaraadkooda, ayna ku dadaali doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dhamaan xuquuda shaqaalaha.

R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo gabagabadi kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in hadafka dowladdu ka weynyahay bixinta mushaaraadka oo kaliya, wuxuna intasi ku daray in xukuumaddiisu ku dhisantahay isla xisaabtan, isagoo tilmaamay in ururada shaqaaluhu ay lafdhabar u yihiin dowladnimada.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo Joojiyey Dhismaha ka socda Dhulka ka soo horjeeda dekedda.

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Next Post
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

June 30, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

June 30, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga...

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABEY MAAREEYAHA GUUD EE WAKAALADDA MADBACADDA QARANKA

June 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka u magacaabey Mudane Wali...

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

June 30, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In