Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaliya iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016.

Ra’iisal wasaare Sharmaarke ayaa warbaxin ka siiyay xaalada dalka uumarayo wasiirka arrimaha Afrika ee UK, waxa uunan sidoo kale uga mahadceliyay muuhimada UK ay siineyso dib u dhiska Soomaaliya iyo taageerida dowladda.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025

“Xukuumadda Soomaaliya waxey diiradda saartay arrimaha amniga iyo xasilinta dalka si loo suurtageliyo doorasho dalka ka dhacda sannadkan 2016, waxaan UK uga mahadcelinayaa in ay hormuud ka tahay dadaalka Soomaaliya lagu xasilinayo; xukuumadda waxaa ka go’an in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah islamaarkaan dadka Soomaaliyeed gaarsiisa xasilooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad waarta” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay kulanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dib u heshiisiinta si amniga dalka uu u sugnaado, Sidoo kale Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ay ugu jirto xasilinta dalka islamarkaana UK ay dooneyso in horumarka ballaaran ee laga sameeyay amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

2 unnamed

 

Previous Post

Wafdi ka socda Baarlamanka Soomaaliya oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo Wasiiro”SAWIRRO”

Next Post

Shirka madasha watashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmo Muqdisho

Next Post
Shirka madasha watashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmo Muqdisho

Shirka madasha watashiga Qaran oo lagu wado in uu maanta ka furmo Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In