Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Cumar C/rashiid iyo qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka oo Muqdisho ku kulmay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kulammo la qaatay safiirrada Somalia u jooga dallaka Jabuuti, Turkiga iyo ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia. Kulamadan ayaa isugu jiray salaan, hambalyo iyo  is-barasho.

Danjirayaashan ayaa soo gaarsiiyay RW Sharma’arke hambalyo ay uga sideen madaxda dalalkooda iyo xoghayha guud ee QM, waxayna ballan-qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowladda Somalia.

Related posts

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026

Sidoo kale, kulamadan ayaa la isku-dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda dalka iyo sidii xukuumadda uu soo dhisi doono ay wada-shaqayn u dhexmari lahayd, isla markaana horay loogu sii wadi lahaa horumarka ay sannadihii u dambeeyay ee ay Somalia ku tallaabsatay; iyadoo danjirayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabista ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia ayaa uga mahad-celiyay wakiilladii uu la kulmay dhambaallada ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab-taagan yihiin dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda uu soo dhisi doonana ay sii xoojinayso cilaaqaadka kala dhexeeya caalamka.

Ma ahan markii ugu horreysya oo uu Cumar C/rashiid kulan la qaato wakiillo caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo Khamiistii shalay kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6)

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Dalka

Next Post

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Maanta Saxiixay Sharciga Muranka Dhaliyay ee Ammanka Dalka

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

Shirka Wasiirada Macdanta Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Dalka Sucuudiga

January 15, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), oo la hadlay Warbaahinta Qaran...

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

Madaxweynaha Algeria oo la gaarsiiyay dhambaal ka socotay Madaxweynaha JFS

January 15, 2026
0

Madaxweynaha Algeria Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Faarax Sheikh Cabdulqaadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormeeray ciidamada XDS & Daraawiishta Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In