Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Cumar iyo Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tagey Garoonka Cusub ee magaalada Garowe-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Cumar iyo Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku tagey Garoonka Cusub ee magaalada Garowe-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo weheliyo Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Cabdiweli M. Cali Gaas, wafdi ka socda Dawladda Turkiga oo hoggaaminayo Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Puntland, ayaa maanta kormeeray Garoonka cusub oo laga dhisayo duleedka magaalada Garowe.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socday ayaa kormeer ku tagey qeybaha kala duwan ee garoonka oo xiligaas ay shaqadu ka socotay, waxana ay warbixino ka dhageysteen Shirkadda gacanta ku haysa dhismaha garoonka oo laga leeyahay dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey horumarka ka socda magaalada Garowe , gaar ahaan dhismaha garoonkan oo loo dhisi doono qaab casri ah.

“Shirkadaha caalamka iyo kuwa kale ee ay Soomaalidu leeyihiin waxaan leenahay hala yimaado dalka oo hala maalgeshado, si ay dib u soo laabtaan guud ahaan adeegyadii bulshada u baahnaayeen, tani waa horumar uu dalka ku talaabsanayo” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Garoonka Magaalada Garowe ayaa waxaa bixinaya Boqortooyada Kuwait, waxana uu qeyb ka yahay mashaariic uu dalkaas ugu deeqey Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Bulshada Soomaaliyeed oo loogu baaqay u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo tacsi u direy dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta-War saxaafadeed

Next Post
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo guulo la taaban karo ku tilmaamay shirarkii lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland oo tacsi u direy dadkii ku geeriyooday qaraxii maanta-War saxaafadeed

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In