Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar oo kormeer ku tagay Dekadda iyo Garoonka Boosaaso+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 30, 2016
in Wararka
0
R/wasaare Cumar oo kormeer ku tagay Dekadda iyo Garoonka Boosaaso+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo maalmahan socdaal shaqo ku marayay deegaano ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay Madaarka iyo Dekadda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socdey ayaa markii ay booqdeen goobahaan waxaa hanaanka shaqo uga warbixiyay hawl-wadeenada Dekadda iyo Garoonka oo sharaxay hanaanka shaqo iyo isbadalada ay ku tilaabsadeen si kor loogu qaado wax-soosaarka illaha dhaqaalaha dalka. Dhanka kalana waxay uga warbixiyeen baahida ay dekeddu u qabto dib-u-habayn iyo casriyeeyn lagu sameeyo.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay dawladdu iska xil saarayso horumarinta dekedaha dalka, iyo sidii shaqadooda loo si laba jibaari lahaa, lona heli laha dakaddo kale dalka ka saacida in dhoofku kobco. Waxaana uu dhanka kale uga mahad naqay mamulka iyo shaqalaha sida wanagsan ee ay howshooda u guteen, asagoo farta ku fiiqay in uu jiro kor u kac dhanka lacagaha ka soo xarooda dakadda Boosaaso iyo Madaarka Cusub ee dhawaan la sameeyey kaas oo loo dhisay qaab casri ah.

“Dhawaan waxaan ku rajo weynahay inaan suurto galino in hawlaha dekadddu si weyn u kobcaan. Waana muhiim in la casriyeeyo dekadda”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar.

Ka hor booqashada uu ku tagey Boosaaso wuxuu Ra’iisul Wasaarahu tagey magalooyinka Garowe iyo Qardho halkaasi oo kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda, dhaqanka iyo qeybaha bulshada Puntland.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 30-9-2016

Next Post

Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug”

Next Post
Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug”

Abaanduulaha Ciidanka XDS “Dad Shacab ah iyo ciidamo ayaa lagu laayay duqeynti Ka dhacday gobalka Mudug"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In