Mudane Xasan Cali Khayre Raโiisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa waxay xalay kormeer ay ugu kuurgalayeen amniga ku tagay Degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir,iyagoo siweyn loo soo dhaweeyey.
Sidoo kale Kormaarka Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaar kaย mid ahย Guddoomiyaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan,kuwaasi oo socdaal ku maray qeybo kamid ah degmadaasi,waqti dambe ee xalay.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar CUsmaan(ENG. Yariisow) ayaa kormeerey qaar kamid ah baraha Kantarool oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ammaanka,iyagoo ku bogaadiyay xoojinta howlaha amniga oo ay u hayaan bulshada.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay tan ay ka tarjumayso in uu jiro isbedel wqeyn oo dhanka ammaanka ah,isagoo xusay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dardargeliso howlaha adeegyada muhiimka ah oo loo haayo bulshada oo uu ammaanka ugu horeeyo.
Masโuuliyiintani ayaa ciidamada ammaanka ku dhiirogeliyay in ay joogteeyaan howlgalada amniga lagu xaqiijinayo,si loo baajiyo in kooxaha dhagar qabayaasha ah ay shacabku dhibaatooyin u soo maleegaan.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaalo ku aadan xoojinta amniga Muqdishi,iyadoo masโuuliyiintani dhorw jeer oo horey ay sameeyeen kormeer kan oo kale ah.


















