Raโiisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Gaashandhigga kadib markii uu iska casilay xilka Wasaaraddaas Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed.
Raโiisul Wasaraaha ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wareegto ka soo baxday xafiiska Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ย ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhiggaย umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla Wareegtadaasi xilkii looga qaaday Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.
Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.