Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/Wasaare Khayre “Waxaan joognaa waqtigii aan u gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/Wasaare Khayre “Waxaan joognaa waqtigii aan u gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Mudane Xasan Cali Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa nidaam dawladnimo ee hufan.

Related posts

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026

“Qof kasta oo idiinka mid ah wuu og-yahay Horumarka ballaaran ee aan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay sameyney , waxaan joognaa waqtigii aan ka gudbi laheyn hadal kaliya una gudbi lahayn ficil iyo Waxqabad. Waana sababta aan halkan isagu nimid si aan uga hadalno kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka la gaaray sidii horey loogu sii wadi lahaa. “ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay bilowday nidaam isla xisaabtan dhinacyo badan, kana codsaday Beesha caalamka iney la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed. Isagoona ugu baaqay inay si dhab ah u garab istaagan dawladda islamarkaana ka dhabeeyaan balan qaadyadii ay horey u sameeyeen.

Dhinaca kale waxaa kulankaas ka hadlay qaar kamid ah Safiirada beesha caalamka oo dhamaantood balan qaadey inay garab istaagi doonaan Xukuumadda Soomaaliya isla markaana xusay sid ay u dhacsan yihiin dadaallada ballaaran iyo guulaha la gaaray waqtiga kooban.

Previous Post

Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada XDS

Next Post

Guddoomiye Taabit oo xariga ka jaray Taallada Axmed Gureey oo la dayactiray “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Taabit oo xariga ka jaray Taallada Axmed Gureey oo la dayactiray “SAWIRRO”

Guddoomiye Taabit oo xariga ka jaray Taallada Axmed Gureey oo la dayactiray "SAWIRRO"

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In