Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Khayre”Waxaan qorsheynay in qeyb qeyb u soo qaadno muwaadiniinta ku xaniban Liibiya iyo wadamada kale

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Khayre”Waxaan qorsheynay in qeyb qeyb u soo qaadno muwaadiniinta ku xaniban Liibiya iyo wadamada kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hadalkan jeediyay kadib  kulan soo dhawayn iyo dhiirigalin ah oo hooygiisa ugu sameeyay dad tahriibayaal ah oo go’aan saday in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, Kuwaas oo ay xukuumaddu ka soo qaaday dalka Liibiya.

Ra’iisul Wasaare Khayre Waxaa kulanka qaddada ah Ku waheliyay Wasiiradda Wasaaradaha Amnigga, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Wasiir dawlaha Wasaaradda Gaashaandigga Soomaaliya.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Soo dhawayn Ka dib Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradda ka dhagaystay warbixin Ku saabsan dhibaatooyinkii ay kala kulmayn Xabsiyadda iyo gudaha dalka Liibiya iyo sidda loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed dalka dibadiisa,Iyagooona madaxdii ka soo qabgashay kulanka ka codsadayn in ay ka caawiyaan sidii loo xalin lahaa cabashooyinkooda gaarka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ugu horayn muwaadiniintan Ku soo dhawayay dalkooda hooyo. Waxuuna u balan qaaday in uu xalindoono waxkasta oo ay ka cabanayaan, isagoona sheegay in uu horay u sameeyay guddi ka shaqayndoono xaladda dadka ka soo laabanaya dalka Liibiya, si loogu abuuro fursado Shaqo, Waxbarasho iyo kuwo Caafimaad.

“Waxaan qorshaynay in aan qayb qayb usoo qaadno dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed ee joogo Liibiya iyo guud ahaan dalka dibadiisa. Waxaana farxad wayn noo ah in aan aragno shacabkeena oo dib ugu soo laabanaya dalkooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyaradda Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dalkooda, iskana dhaafaan tahriibka wadamada shisheye. Isagoona cadeeyay in aysan jirin meel u dhaanta dalkooda Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Ilaa 250 00 caruur ay ku jirto oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Syria

Next Post
Ilaa 250 00 caruur ay ku jirto oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Syria

Ilaa 250 00 caruur ay ku jirto oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Syria

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In