Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Khayrre ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Munaasabada ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay xuska sand guuradii 74-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgalen mas’uuliyiin kaladuwasn.

Waxaa kamid ahaa madaxdii ka qeybgashey Raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre xubno ka tirsan golayaasha kaladuwan ee Dowladda,saraakiil katirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhamaan madaxdii ka qeybgashey munaasabadaasi ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxqabadkooda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo sugidda amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay dalka u leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen.

Wuxuu raiisul wasaaraha uga Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska sida ay ugu dhabar adeegayaal in dalka ammaankiisa la sugo,isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay xooga saari doonto dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada oo la filayo in ay amniga dalka kala wareegaan Amisom.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashood ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska Ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeeyey oo uu dalku yeesho ayaa la aas aasey sanadka markuu ahaa 1943-dii,waxaana ay soo mareen xeerar iyo marxalado kaladuwan,waana laf dhabarta u adeegista bulshada.

Previous Post

Akhriso: Qaab dhismeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Next Post

Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Beyle oo kormeeray deegaanka Goob weyn+Sawirro

Next Post
Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Beyle oo kormeeray deegaanka Goob weyn+Sawirro

Wafdi uu hogaaminayay Wasiir Beyle oo kormeeray deegaanka Goob weyn+Sawirro

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In