Raโiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.
โWaxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani.Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo masโuuliyadda loo igmaday.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdulaahi Dani.
โShacabka & masโuuliyiinta Puntland waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciidโ.
Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka maanta ka dhacday Garowe, isagoo Wareega Sedexaad helay 35-cod.












