Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyre “Siddeed bilood ayaa wada shaqeyneynaa Madaxweyne Farmaajo wali isma khilaafin, waa Taariikh cusub”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo  daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ka qeyb galay Caawa kulan loogu magac daray  Kacdoonka Nabadda oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarro Soomaaliyeed, kaasi oo loogu baroor diiqayey dadkii ku waxyeeloobay musiibaddii ka dhacday isgooyka 14ka Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa sidoo kale waxaa ka  qeyb galey masuuliyiin  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka tirsan, dhalinyaro iyo qaar kamid ah Ururada bulshada rayidka ah.

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026

Qaar kamid ah kooxaha fanka, ayaa Munaasabadda ka qaaday heeso wadani ah oo u badnaa kuwa lagu baraarujinayo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradda oo ku saabsan siddii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadda  dalka iyo sidoo kale  iska xoreynta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, ayaa munsaabaddaasi ka sheegay in isbadal dhanka horumarka ah Soomaaliya ay hiigsaneyso, isagoo xusay in dhalinyararadda Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa dhalinyaraddii soo qaban qaabisay munaasabadda Kacdoonka Nabadda uga mahad celiyey doorkooda ku aadan Isxilqaanka ay muujiyeen, waxaana dhalinyaradda uu ku boggaadiyey sida ay u muujiyeen darreenkooda ku aadan musiibadii Zoobe iyo siddii ay uga fal celiyeen, waxaana uu carabaabay in Dhalinyaradda hadda ay usoo jiisteen midnimada dalka.

R/wasaare kheyre, ayaa sheegay in Xafiiska uu joogo muddo dhan Siddeed bilood isaga iyo Madaxweynahana wali  aysan is khilaafin, muranna uu soo kala dhex gelin, arrintaas ayuuna ku tilmaamay in ay tahay mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama horey ay u arki jireen Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo arrimo siyaasadeed isku haya.

Ugu dambeyntii R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in miisanada 2018 ee maanta Golaha wasiiradda XFS  ay ansixiyeen  markii ugu horreeysay lagu soo daray lacago loo qoondeeyey Tayeynta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Afka Soomaaliya, waxaana uu xusay in 2018 Dowladda ay dhisi doonto Akadheemiyad Afka Soomaaliga ugaar ah, laguna dhisi doono lacag shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka China ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka China ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka China ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In