Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyre” Waxaa la isku raacay sidii Soomaaliya ula falgeli lahayd Hay’adaha dhaqaalaha Aduunka”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Kheyre” Waxaa la isku raacay sidii Soomaaliya ula falgeli lahayd Hay’adaha dhaqaalaha Aduunka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle la isku raacay in Soomaaliya ay soo gaartay meel wanaagsan oo aduunyada ay u riyaaqday.

Sidoo kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mas’uuliyiintii Hay’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga dhexe ee magaalada Washington uu kula kulmay Wasiirka Maaliyadda isku afgarteen in Soomaaliya loo yagleelo lacagta Shilin Soomaaliga ah.

“Sanad ka hor waxaan ka balanay inaan rabno inaan wax ka qabano dhaqaalaha wadanka,maalmo ka hor waxaa magaalada Washington shir uga qeyb galay wasiirkeena Maaliyadda, halkaasi waxaa la isku raacay Soomaaliya iney soo gaartay meel aduunyada aanu maleynin inaan gaarno sanad ka dib,halkaasi waxaa la isku raacay in dib loo yagleelo shilinka Soomaaliga waxaa la isku raacay in dib loo dhiso loona habeeyo bangigeena dhexe”, ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga aduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya, Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.”

Ugu danbeyntii,Mudane Xasan Cali ayaa tilmaamay in la isku raacay in hiigsiga qorshihii mudo la soo waday oo ah in Soomaaliya deynta laga daayo,isagoona dhanka kale sheegay in dalalka aduunka isla qaateen sidii Soomaaliya ula fal geli lahayd Hay’adaha dhaqaalaha aduunka.

Previous Post

Habraaca Cafinta deymaha Soomaaliya oo mira dhal ku dhow

Next Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Next Post
Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In