Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee ku dhufteen abaaraha, waxana intii uu socday kulanka Xukuumaddu soo bandhigtay dhaqaale ay ugu talagashay abaarta ka jira Soomaaliya.

Kulankan taakuleynta ah ee dhaqaalaha loogu aruurinayey dadka abaaruhu saameyeen ee ku nool gobollada Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa uu sheegay R/wasaare Kheyre in guddiga gurmadka abaaraha ay ku wareejinayaan lacag dhan ($803,279) oo dollar oo Xukuumaddiisu ugu tala gashay dadka abaaruhu ay wax yeeleeyen.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

R/wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dadka dibadaha jira in jeejabab-kooda ay furaan isla markaana aan loo kala harin ugar-gaaridda walaalahooda tabaaleysan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in Dawladdu marnaba aysan ka seexan doonin shacabkeeda dhibaataysan ee gacan qabashada u baahan, maanta wixii aan ku bixino abaarta kuna badbaadina nolosha dad badan oo walaalaheen ah waxay noqon doontaa taariikh, isku soo dhawaansho iyo in bulshadeenu nagu kalsoonaato”ayuu yiri R/Wasaare Kheyre oo intaasi raaciyey in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay la dagaalami doonto musuq-maasuqa cidii lagu helana tallaabo ka qaadi doonto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Guddiga Gurmad Abaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa warbixin guud ka bixiyay dhibaatada ka jirta deegannada ay sida aad ka ah u saameyeen Abararaha jira, isagoo baaq u direy guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta u gurmashada dadka la tacaalaya abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay oo kamid yihiin Daacuun iyo Shuban Biyoodka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray goobo kamid ah kuwa ay ku nastaan shacabka, isagoo la shaaheeyey isla markaana kala sheekeystay xaaladahooda, si ay dawladdu shacabka tallooyinkoodu ugu shaqayso.

Previous Post

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo soo saartay War Murtiyeed ku saabsan Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Next Post

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho+Sawirro

Next Post
R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho+Sawirro

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In