Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 28, 2017
in Wararka
0
R/wasaare Kheyrre oo ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu Aruurinayey Abaaraha ka jira dalka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay kulan dhaqaale loogu aruurinayey dadka Soomaaliyeed ee ku dhufteen abaaraha, waxana intii uu socday kulanka Xukuumaddu soo bandhigtay dhaqaale ay ugu talagashay abaarta ka jira Soomaaliya.

Kulankan taakuleynta ah ee dhaqaalaha loogu aruurinayey dadka abaaruhu saameyeen ee ku nool gobollada Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa uu sheegay R/wasaare Kheyre in guddiga gurmadka abaaraha ay ku wareejinayaan lacag dhan ($803,279) oo dollar oo Xukuumaddiisu ugu tala gashay dadka abaaruhu ay wax yeeleeyen.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

R/wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay dadka dibadaha jira in jeejabab-kooda ay furaan isla markaana aan loo kala harin ugar-gaaridda walaalahooda tabaaleysan.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in Dawladdu marnaba aysan ka seexan doonin shacabkeeda dhibaataysan ee gacan qabashada u baahan, maanta wixii aan ku bixino abaarta kuna badbaadina nolosha dad badan oo walaalaheen ah waxay noqon doontaa taariikh, isku soo dhawaansho iyo in bulshadeenu nagu kalsoonaato”ayuu yiri R/Wasaare Kheyre oo intaasi raaciyey in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay la dagaalami doonto musuq-maasuqa cidii lagu helana tallaabo ka qaadi doonto.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah Guddiga Gurmad Abaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa warbixin guud ka bixiyay dhibaatada ka jirta deegannada ay sida aad ka ah u saameyeen Abararaha jira, isagoo baaq u direy guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta u gurmashada dadka la tacaalaya abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhashay oo kamid yihiin Daacuun iyo Shuban Biyoodka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray goobo kamid ah kuwa ay ku nastaan shacabka, isagoo la shaaheeyey isla markaana kala sheekeystay xaaladahooda, si ay dawladdu shacabka tallooyinkoodu ugu shaqayso.

Previous Post

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo soo saartay War Murtiyeed ku saabsan Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

Next Post

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho+Sawirro

Next Post
R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho+Sawirro

R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho+Sawirro

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In