Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku xigeenka Dalka oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Sahra Axmed Jaamac

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka Dalka oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Sahra Axmed Jaamac
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025

 Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleid ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 04/04/2018.

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanna Sahra lagu naanaysi jiray Quruxdii fanka Soomaaliyeed, waxaanay caan ku ahayd heeso iskugu jira Waddani, Jacayl, Guubaabin, Dhiirigelin, Haasaawe, Amaan, Duco, Wacyi & Wargelin-ba.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Sahra Axmed mid kamid ah xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Soomaaliyeed.

Waxaana uu Ra’iisalwasaare ku-xigeenku uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

”Waxaan Tacsi u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelkii ay ka baxday Allaha a u naxariistee Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootey Magaalada Hargeysa. Sahra waxay kamid ahayd hormuudkii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanan ku tilmaami karaa inay safka hore kaga jirtay xidigihii ifiyey fanka Soomaaliyeed. Rabi Naxariistii janno ha siiyo.” Ayuu yiri R/W ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Marxuumad Sahra Axmed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuusanaysay Cusbitaalka Gargaaar ee magaalada Hargeysa, halkaaso oo saaka Xaqii ugu yimmi.

Previous Post

Wasiirka Ku Xigeenka Warfaafinta XS oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuumad Sahra Axmed

Next Post

Dhageyso: Ciidamada xoogga dalka oo hawlago lagu baacsanayo al-shabaab ka wada bakool

Next Post
Dhageyso: Ciidamada xoogga dalka oo hawlago lagu baacsanayo  al-shabaab  ka wada bakool

Dhageyso: Ciidamada xoogga dalka oo hawlago lagu baacsanayo al-shabaab ka wada bakool

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

Waiirla Warfaafinta oo tababar u soo xiray in ka badan 60 ka tirsan howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinaya doorashada

December 23, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan...

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

Xildhibaan Mahdi Guuleed iyo Wasiir Al-Cadaala oo qaatay kaarka codbixinta

December 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026

December 23, 2025
0

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

December 23, 2025
0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In