Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ku Xigeenka Warfaafinta XS oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuumad Sahra Axmed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 4, 2018
in Wararka
0
Wasiirka Ku Xigeenka  Warfaafinta XS oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuumad Sahra Axmed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, Ehelada, Bahda Fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ka geeriyootay Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac.

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxayna Maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsaneysay Isbitaalka Gargaaar ee magaalada Hargeysa.

Siihaya Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Marxuumad Sahra Axmed ay ka mid aheyd Fanaaniinta Laf Dhabarka u ahaa Fanka Soomaaliya, qeyb weyna ay ka qaadatay Wacyi gelinta Bulshada, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, Ehelka, Asxaabta iyo Shacabkana uu Samir iyo Iimaan allaha ka siiyo.

Marxuumad Sahra Axmed jaamac waxaa lagu naanaysi jiray Quruxdii Fanka Soomaaliyeed, waxaanay caan ku ahayd heeso iskugu jira Waddani, Jacayl, Guubaabin, Dhiirigelin, Haasaawe, Amaan, Duco, Wacyi & Wargelin-ba.

Previous Post

Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac oo maantay ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

Next Post

R/wasaare ku xigeenka Dalka oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Sahra Axmed Jaamac

Next Post
R/wasaare ku xigeenka Dalka oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Sahra Axmed Jaamac

R/wasaare ku xigeenka Dalka oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Sahra Axmed Jaamac

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In